Gary Neville Oo Shaki Ka Muujiyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League.

Gary Neville ayaa aaminsan in kulanka soo socda ee Arsenal ay Old Trafford kula ciyaari doonto Manchester United uu noqon karo mid ku adag Gunners tartanka ay ugu jirto premier League.

Arsenal ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyada oo hal dhibci ka horayso kooxda Man City tartanka Premier League.

Man City waxa u dhiman 4 kulan halka ay 3 kulan u dhimantahay kooxda Arsenal tartanka horyaalka.

“Marna ma ogaan kartid waxa ka dhici doona Old Trafford, Old Trafford- waxa uu noqon karaa xabaaha kooxaha”ayuu Neville yidhi.

“Xitaa sida ay Manchester United hadda tahay, waa inaad taas u tixgelisaa ciyaar weyn”.

“Kooxaha qaybta hoose ee horyaalka ayaa ku badiyay Old Trafford xilli ciyaareedkan laakiin kooxaha qaybta sare ee horyaalka ayaa ku dhibaatooday Old Trafford”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga