
Gary Neville ayaa saddex kooxood ka saaray tartanka horyaalka Premier League kadib todobaadki furitaanka ee xilli ciyaareedka cusub oo xiiso lahaa.
Kooxda difaacanaysa koobka ee Liverpool ayaa ku bilawday difaacashada horyaalka kadib markii ay 4-2 ku garaacday Bournemouth, waxaana sidoo kale guulo gaadhay kooxaha Arsenal iyo Manchester City.
Arsenal ayaa guul 1-0 ah ka gaartay kooxda Manchester United halka Man City ay afar gool ku garaacday Wolves.
Neville ayaa aaminsan in Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ay ku dagaalami doonaan horyaalka halka uu sheegay in ay Arsenal tahay kooxda ugu cad-cad kadib qaab ciyaareedkii todobaadkan.
Marka la eego awooda kooxaha Liverpool,Arsenal iyo Man City, Neville ayaa haatanba ka saaray tartanka kooxaha Chelsea, Newcaste Iyo Aston Villa.
“Tartanku waxa uu u dhexeeyaa Liverpool, Arsenal iyo Man City, dhamaantood waxa ay leeyihiin fursad”ayuu yidhi Neville.
“Dhamaantood waxa ay haystaan fursad isku mid ah waxana ay ka horeeyaan kooxaha kale”.
Mar la weydiiyay bal inuu rumeysan yahay in Chelsea, Newcastle ama Aston Villa ay awood u leeyihiin inay ku dagaalamaan ayuu yidhi”Meesha kama saari doono laakiin ma lahan khibrad Iyo awood ay ku guulaysan karaan”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment