Kabtankii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa saadaaliyay kooxaha u soo bixi doona tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Horyaalka Premier League ayaa la filayaa in mar kale la siiyo shan boos, maadaama kooxaha Ingiriiska ee ka ciyaaraya Yurub ay si fiican u soo bandhigeen xilli ciyaareedkan.
Arsenal iyo Manchester City ayaa u muuqda inay xaqiijiyeen labo ka mid ah boosaskaas, maadaama ay wali ku tartamayaan hanashada horyaalka.
Saddexda boos ee kale ayaa weli furan, iyadoo farqi lix dhibcood ah oo keliya uu u dhexeeyo Manchester United oo ku jirta kaalinta saddexaad iyo Chelsea oo ku jirta kaalinta lixaad.
Neville ayaa ku yiri barnaamijkiisa podcast-ka:“Waxaan aaminsanahay in United ay si dhab ah ku dhameysan doonto kaalinta saddexaad, Liverpool ay ku dhameysan doonto kaalinta afaraad, halka Chelsea ay ku dhammaan doonto kaalinta shanaad”
“Aragtidayda, waxay noqon doontaa mid u dhaxaysa Chelsea ama Villa. United, Liverpool, Chelsea ama Villa.”
Be the first to comment