Gary Neville Oo Magacaabay Xiddig Man United Ah Oo Door Ka Qaatay Guuldaradii Soo gaadhay United

Halyeeyga kooxda Man United Gary Neville ayaa weerar ku qaaday xiddiga Casemiro Kadib markii uu sameeyay khaladkii Sababta u Ahaa goolkii ay Arsenal dhalisay kulankii Old Trafford.

Man United Ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Xiddiga Trossard ayaa dhaliyay goolka Arsenal isaga Oo ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay Casemiro.

“Casemiro waxa uu la kulmay dhaleecayn todobaadyadii Ugu Dambeeyay waxana uu heli Doonaa waxoogaa dheeri ah” ayuu Neville yidhi.

“Waxa ay ahayd  in uu si dhakhso ah u fal celiyo markii uu Havertz Soo dhigay kubada”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga