Gary Neville Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ku Guulaysan Kara Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Gary Neville wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay haatan leedahay ‘xiddigaha ugu fiican’ ee Premier League, isla markaana ay xitaa yeelan karaan ‘koox ka wanaagsan’ kooxda Liverpool ee horyaalka difaacanaysa.

Gunners, oo saddex xilli ciyaareed isku xigta kaalinta labaad ku dhamaaday, ayaa u muuqday inay dhibco ku luminayso Newcastle United Axaddii.

ooxda Eddie Howe ayaa hoggaanka qabatay iyadoo gool uu dhaliyay Nick Woltemade laakiin Arsenal ayaa samaysay guul soo laabasho leh iyaga oo ku badiyay 2/1.

Neville ayaa sheegay in guushii soo laabashada lahayd ee ay Arsenal gaadhay ay ahayd mid muhiim u ah kooxda isla markaana ay sidoo kale noqon karto mid saameyn ku yeelata tartanka horyaalka xilli ciyaareedkan.

Difaacii hore ee Manchester United iyo England ayaa sidoo kale aaminsan in ay hadda si cad u muuqato in kaliya labo kooxood ay ku guuleysan karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

“Mikel Arteta wuxuu haystaa koox cajiib ah,” ayuu Neville ku yiri barnaamijkiisa podcast-ka ee Sky Sports, kadib markii uu daawaday guushii soo kabashada Arsenal ee St James’ Park.

“Wuxuu leeyahay koox cajiib ah, waxaan u maleynayaa inuu leeyahay kooxda ugu fiican horyaalka, mararka qaarna kooxda ugu fiican horyaalka, waxaana si xishood leh u leeyahay taas sababtoo ah Liverpool waa koox heer sare ah.”

“Waxaa jira kaliya labo kooxood oo horyaalkan ku guuleysan karta – Liverpool iyo Arsenal – anigu ma aaminsani in koox kale ay karo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga