Gary Neville Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Arsenal Ka Hor Istaagi Kara Horyaalka Kadib Markii Man City Garaacday Liverpool.

Gary Neville ayaa rumeysan in weli ay jiraan saddex kooxood oo fursad u leh hanashada horyaalka Premier League, kadib guushii waaweyn ee Manchester City ka gaartay Liverpool.

Manchester City ayaa Axaddii Garaacday kooxda difaacanaysa premier League iyaga oo ku xasuuqay 3/0 kulan ka dhacay garoonka Etihad.

Guuldarradii shanaad ee 11-kii kulan ee horyaalka ayaa ka dhigay Liverpool in ay ku jirto kaalinta 3-aad ee premier League iyadoo siddeed dhibcood ka hooseysa hoggaamiyeyaashii hore ee Arsenal.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan noqotay kooxda ugu fiican England, balse safarkoodii guulaha toban-kulan ah ayaa la joojiyay Sabtidii markii ay barbaraha 2-2 la galeen Sunderland.

Natiijadaas iyo guushii cajiibka ahayd ee Manchester City ka gaartay Liverpool ayaa ka dhigtay in kooxda Guardiola ay afar dhibcood u jirto hoggaamiyeyaasha horyaalka.

Neville ayaa qiray in muuqaalka uu yahay in Manchester City ay noqon karto tartanka ugu weyn ee Arsenal, balse waxa uu diiday in Liverpool laga reebo tartanka horyaalka.

“Waxaan u maleynayay maanta inay ku saabsan tahay mid ka mid ah labada kooxood ee ka soo baxaysa tartanka ugu dhow Arsenal iyo haddii ay fariin u diri karaan Gunners?” Neville ayaa u sheegay Sky Sports.

“Waa maalin aad u wanaagsan Guardiola iyo Manchester City, balse waa maalin adag Arne Slot iyo Liverpool.”

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa podcast-ka ee Sky Sports, Neville ayaa intaa ku daray: “Pep wuxuu siiyay kooxdiisa xoogaa kalsooni ah kahor fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.”

“Waxaan u maleynayay in kooxaha kula tartamaya Arsenal horyaalka ay noqon doonto Liverpool laakiin Man City ayaa aad isku badashay sida ay u muuqato wan khaldamay”.

Markii laga weydiiyay haddii Liverpool weli lagu tixgelin karo tartamayaasha horyaalka, Neville ayaa ku daray: “Waxaan oranayaa haa”

“Hadii ay isla helaan qaab ciyaareedka wax walba way dhici kartaa waxa ay haystaan ciyaartoyo awood leh”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga