Halyeygii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in Chelsea aanay tartanka horyaalka Premier League-ka ku jirin.
Blues-ku waxay hadda ku jiraan kaalinta labaad ee jadwalka, kaddib markii ay Sabtidii 2-0 kaga badiyeen Burnley.
Kooxda Enzo Maresca ayaa lix dhibcood ka dambaysa hoggaamiyeyaasha Arsenal, kuwaas oo ay toddobaadkan kusoo dhoweyn doonaan garoonka Stamford Bridge.
Neville wuxuu aaminsan yahay in Chelsea ay leedahay koox wanaagsan, balse aysan weli u bislaan inay noqdaan horyaal.
Wuxuu Sky Sports u sheegay: “Waxay gaadhi doonaan meel dhow, waxayna nagu dhalin doonaan fikir ah inay yihiin kuwa ugu dhow ee Arsenal ku tartami kara, laakiin anigu ma rumaysni in taas la arki doono marka xilli-ciyaareedku sii socdo.
“Laakiin usbuuca dambe waa imtixaan adag, halkaas ayaad ka ogaanaysaa nooca kooxaha noocan oo kale ah.
“Chelsea waxay doonaysaa inay horyaalka qaaddo laba sano ee soo socda, balse waqtigan xaadirka ah uma muuqdaan kuwo u dhow.”
Be the first to comment