Gary Neville ayaa aaminsan in Casemiro uu mas’uul ka ahaa guul daradii naxdinta lahayd ee Manchester United ka soo gaartay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee Brighton.
Man United ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Brighton iyada oo United laga dhaliyay goolka guuldarada daqiiqadii 95-aad.
Red Devils ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Neville ayaa sheegay in feejignaan la’aanta Casemiro ay sabab u ahayd goolkii 2-aad ee laga dhaliyay Man United.
“Goolkii 2-aad ee Brighton waxa uu ahaa khalad dhanka daafaca ah, marka aad koorne iska difaacdo kadib waa in aad iska difaacdo kubada 2-aad.”ayuu yidhi.
“Hadii aad eegtid Casemiro waxa ay u muuqataa in uu ka tagay booskiisii isla markaas dib ugu orday booskiisa khadka dhexe”.
Be the first to comment