Garsoorihii Uu Necbaa Jurgen Klopp Oo Loo Doortay Kulanka Adag Ee Liverpool vs Manchester United

Xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ayaa shaaciyey xaakimka ay u doorteen in uu garsoore ka noqdo kulanka adag ee Axadda ee Liverpool vs Manchester United ee garoonka Anfield, kaas oo ay u magacaabeen siidhiwade uu neceb yahay tababare Jurgen Klopp.

Michael Oliver oo ka mid ah garsooreyaasha ugu fiican horyaalka Premier League ayaa loo doortay inuu dhax-dhaxaadiyo ciyaartan, waxaanay u noqon doontaa markii 60aad ee uu qabto ciyaar ay Liverpool dheelayso.

Liverpool ayaa rikoodh aan fiicnayn ka haysata kulamada uu u qabto garsoore Michael Oliver, waxaana 60ka jeer ee uu garsooraha u ahaa ay kaliya guuleysteen 29 ka mid ah, taas oo ka dhigan in ay kaliya badiyeen wax ka hooseeya kala-badh, halka 13 jeer laga badiyey 17 kalena ay barbarro galeen.

Kooxda ugu badan horyaalka Premier League ee uu Michael Oliver garsooraha u noqday waa Liverpool, waxaana kusoo xiga Arsenal iyo Everton oo uu min 55 ciyaarood garsoore u noqday, halka Man City uu 53 ciyaarood usoo qabtay iyo Chelsea oo 51 kulan oo ay dheeshay uu garsoore ka ahaa.

Manhester United ayaa sidoo kale rikoodh xun ka haysata garsoore Michael Oliver, waxaana 44 ciyaarood oo uu usoo noqday garsoore ay kaliya guuleysteen 18 ka mid ah, iyadoo laga badiyey 15 jeer 11ka kalena barbarro galay.

Stuart Burt iyo Dan Cook ayaa calanwadeyaal u noqon doona Michael Oliver kulanka Liverpool vs Man United, waxaana la ogsoon yahay in Cook uu ahaa garsoorihii diiday goolkii Luis Diaz ee ciyaartii Tottenham, kaas oo Premier League uu qiray inuu sax ahaa, isla markaana raalligelin ka siiyey Liverpool.

John Brooks iyo Simon Long ayaa noqon doona garsooreyaasha VAR ee ciyaartan, halka Anthony Taylor uu yahay garsooraha afraad.

Si kastaba ha ahaatee, Jurgen Klopp ayaa neceb garsoore Michael Oliver oo si cad warbaahinta horteeda ugaga jeediyey eedaymo ah inuu garsoore Oliver uu dagaal kula jiro, iyadoo dhawr jeer uu casaan siiyey.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga