
Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa si kulul u dhaleeceeyay daafaca Liverpool, Milos Kerkez, kadib bandhiggiisii kulankii ay la ciyaareen Chelsea.
Neville ayaa sheegay in Kerkez uu u ekaa “ilmo” inta lagu guda jiray ciyaarta, isaga oo xusay in uu ku guuldareystay dagaalladii 50-50 ee uu la galay Pedro Neto.
Waxaa la xasuustaa in Chelsea ay 2/1 ku garaacday Liverpool kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge, iyadoo goolka guusha uu dhaliyay Estevão daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dhaawaca.
Gary Neville, oo ka hadlayay The Gary Neville Podcast, ayaa si aan leexleexad lahayn u dhaleeceeyay Milos Kerkez, wuxuuna yiri:
“Wiilkan Kerkez, si daacad ah haddaan u hadlo, waqtigan xaadirka ah wuxuu u egyahay ciyaaryahan kooxda da’yarta ka tirsan,” ayuu yiri Neville.
“Waan ogahay inuu yahay ciyaaryahan fiican, laakiin wuxuu u ciyaarayaa sida mid u ciyaaraya kooxda da’yarta ama kuwa ka yar 21-jirada. Aad buu u khibrad yari; wuxuu u egyahay sida ilmo garoonka jooga. Wuxuu ku guuldarreysanayaa tartamada 50-50 ee uu la galay Neto.
“Wuxuu horey u lahaa khibrad Premier League ah; ma aha in uu yahay ciyaaryahan kasoo yimid dal kale oo hadda soo degay.”
Be the first to comment