Gareth Bale Oo Shaacisay In Man United U Soo Bandhigtay Dalab Waali Ah Ka Intii Uuna Ku Biirin Real.

Xiddigii hore ee kubadda cagta Gareth Bale ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay u soo bandhigtay mushahar ka badan markii uu go’aansanayey mustaqbalkiisa.

Bale oo ku guuleystay shan jeer UEFA Champions League ayaa ka tagay Tottenham Hotspur sanadkii 2013 si uu ugu biiro Real Madrid lacag dhan £85.3 milyan, taas oo noqotay mid ka mid ah go’aannadii ugu guusha badnaa ee xirfaddiisa.

Wuxuu Real Madrid u wareegay dhammaadka xilli ciyaareedkii 2012/2013, kaddib markii uu dhaliyay 26 gool 44 kulan oo uu u saftay Spurs, taasoo sababtay in kooxo waaweyn oo badan ay doonayaan, oo ay ku jirto Manchester United.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick to Football podcast, Bale oo 36 jir ah ayaa sheegay in United ay u soo bandhigtay mushahar ka badan, balse qalbigiisu horey ugu go’ay Madrid.

Bale ayaa yiri:

“Waxaan la hadlay David Moyes, laakiin qalbigaygu wuxuu rabay Madrid.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu heshiis aan rasmi ahayn (gentleman’s agreement) la lahaa guddoomiyihii Tottenham Daniel Levy:

“Levy ma rabin inuu iga iibiyo koox kale oo Premier League ah, sababtoo ah ma rabin inay xoojiyaan koox kale oo tartameysa.”

Sidaas darteed waxaa la isku raacay in haddii koox ka timaadda Spain, Italy ama Germany ay dalab keento—gaar ahaan haddii Tottenham aysan u soo bixin Champions League—uu awoodi karo inuu baxo. Tottenham xilligaas uma soo bixin Champions League, taas oo u fududeysay Bale inuu u wareego Real Madrid.

Bale ayaa ugu dambeyn yiri:

“Waxaan u maleynayaa inaan doortay kooxda saxda ah marka la eego 12-kii sano ee ugu dambeeyay.”

Wuxuu sidoo kale cadeeyay inuusan dooran mushaharka sare ee United:

“United waxay bixiyeen lacag ka badan si ay ii iibsadaan, xitaa ciyaaryahan ayay ku dari lahaayeen heshiiska, laakiin arrintaas si dhab ah uma socon.”

Dhanka kale, Manchester United xagaagii 2013 waxay kaliya la soo wareegtay Marouane Fellaini oo ay ka soo qaadatay Everton lacag dhan £27 milyan maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga—ciyaaryahan aan si buuxda u gaadhin filashadii laga qabay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga