Gareth Bale Oo Kashifay Sababtii Real Madrid Shaqada Uga Caydhisay Xabi Alonso.

Xiddigii hore ee weerarka Real Madrid, Gareth Bale, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan ceyrintii dhowaan lagu sameeyay tababare Xabi Alonso.

Bale wuxuu sababta xil ka qaadista Alonso ku sheegay awood la’aan uu u yeeshay maareynta dabeecadaha iyo isla-wejnimada ka jira kooxda Real Madrid.

Alonso, oo beddelay Carlo Ancelotti, ayaa la ceyriyay dhawaan kaddib markii uu hoggaanka kooxda la wareegay sanadkii hore garoonka Santiago Bernabeu.

Bale ayaa wareysi uu siiyay TNT ayaa yidhi“Waxaad u baahan tahay inaad maareyso isla weynida qolka labiska, waana inaad qancisaa oo daryeeshaa. Looma baahna xeelado badan oo farsamo mar walba.”

“Qolka labiska waxaa jooga xiddigo waaweyn oo hal ilbiriqsi beddeli kara natiijada ciyaarta. Sidaas darteed, haa, waa la arki karaa in [Xabi Alonso] yahay tababare iyo xeel-dheere wanaagsan, balse Real Madrid arrintaasi kama shaqeyn.”

“Wuxuu u baahan doonaa inuu si buuxda u xakameeyo kooxdaas [xiddigaha Real Madrid], waana wax aan si fudud looga heli karin Real Madrid.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga