Halyeeygii hore ee Liverpool F.C., Jamie Carragher, ayaa saadaaliyay in Liverpool ay gaadhi doonto wareegga quarter-final ee UEFA Champions League inkastoo ay heleen “natiijo xun” kulankii ay la ciyaareen Galatasaray S.K..
Galatasaray ayaa 1-0 ku garaacday Liverpool lugtii koowaad ee wareegga 16-ka ee Champions League, kulan ka dhacay Turkiga habeenkii Talaadada.
Kooxda ka ciyaarta Turkish Super Lig ayaa mar kale la ciyaari doonta Liverpool lugta labaad toddobaadka soo socda garoonka Anfield.
Si kastaba ha ahaatee, Carragher wuxuu aaminsan yahay in kooxda uu tababaro Arne Slot ay garaaci doonto Galatasaray isla markaana ay u gudbi doonto wareegga sideedda ugu dambaysa.
Isagoo ka hadlayay CBS Sports, Carragher wuxuu yiri kadib ciyaarta:“Ugu dambayn tani waxay u ahayd Liverpool kulan xun”
“Natiijo xun, qaybta labaadna aad bay u liidatay. Qaybta hore si fiican ayay ku bilaabeen, laakiin uma malaynayo in Galatasaray ay tahay koox aad u xoog badan”
“Weli waa koox ay tahay in Liverpool ka badiso oo ay ka gudubto”
“Sidaas darteed, weli 98% ayaan aaminsanahay in Liverpool ay gaadhi doonto quarter-final-ka.”
Be the first to comment