Galasaray Oo Garaacday Liverpool

Kooxda Galatasaray ayaa guul qiimo leh ka gaadhay Liverpool kadib markii ay ku garaaceen 1-0 lugta koowaad ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League, ciyaar ka dhacday garoonka Ali Sami Yen Sports Complex.

Lugta labaad ee kulankan ayaa la ciyaari doonaa Arbacada soo socota, 18-ka Maarso, garoonka Anfield.

Galatasaray ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 7-aad, markii Mario Lemina uu gool dhaliyay kadib kubbad koorne ah oo uu madaxa ku dhuftay Victor Osimhen, taas oo uu Lemina markale madaxa ku sii dhaliyay shabaqa.

Daqiiqaddii 61-aad, Galatasaray waxay dhaliyeen gool labaad, laakiin waa la diiday sababtoo ah offside.

Dhanka kale, Ibrahima Konaté ayaa Liverpool u dhaliyay gool barbaro ah daqiiqaddii 72-aad, balse goolkaas waa la diiday kadib markii lagu helay gacan ka hor inta uusan dhalin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga