
Gabriel Martinelli ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raaxeysanayo tartanka ka jira boosaska safka hore ee Arsenal, inkastoo ay soo baxayaan shakiyo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa muujiyay in uusan cabsi ka qabin tartanka adag ee ka jira weerarka Gunners, isagoo tilmaamay in uusan waxba ka dhibin inuu la tartamo ciyaartoyda kale ee kooxda — taasoo uu u arko fursad uu ku horumarin karo naftiisa.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ku saabsan mustaqbalkiisa ayaa isa soo taraya, gaar ahaan iyadoo Arsenal ay xilli ciyaareedkan xoojin ku sameysay weerarka, taasoo fursadaha ciyaareed ee Martinelli hoos u dhigi karta. Wuxuu haddana caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu dagaal u galo booskiisa.
Gabriel Martinelli, oo 24 jir ah, ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya garoonka Emirates kadib markii Arsenal ay xagaagan lasoo wareegtay Noni Madueke iyo Eberechi Eze — labaduba ah ciyaartoy halis ku ah booskiisa garabka weerarka.
Warar dhawaan soo baxay ayaa muujinaya in Arsenal ay diyaar u ahayd inay ka iibiso Martinelli haddii koox kale lasoo istaagi lahayd dalab ku dhow £60 milyan intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga. Inkastoo uu weli kooxda la joogo, warkan ayaa si cad u muujinaya in mustaqbalkiisa aanu ahayn mid la hubo.
Si kastaba ha ahaatee, Martinelli ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay tartanka booska, isagoo u muuqda mid doonaya inuu qanciyo tababare Mikel Arteta si uu uga mid ahaado qorshihiisa xilli ciyaareedkan.
Gabriel Martinelli ayaa is barbar dhigay xaaladda uu ka wajahayo Arsenal iyo tan uu kala kulmo xulka qaranka Brazil, isagoo muujiyay in tartanka xooggani uu yahay wax caadi ah oo uu si wanaagsan u aqbalo.
Intii uu ku sugnaa waajibaadkiisa caalamiga ah, Martinelli ayaa yiri:
“Marka laga hadlayo Arsenal, waa sida halkan xulka qaranka. Haddii aad i weydiiso in ay wanaag tahay in Vini (Vinícius Jr.) ama Rodrygo ay joogaan xulka, dabcan waxaan dhihi lahaa haa.”
Hadalkan ayaa muujinaya in Martinelli uu arko tartanka boosaska – ha noqdo mid heer qaran ama kooxeed – inuu yahay wax dhisaya oo kor u qaadaya tayada ciyaaryahank
Be the first to comment