Gabriel Jesus Oo Shaaciyay Kooxda Uu Ku Biirayo Hadii Uu Ka Tago Arsenal.

Weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus, oo ka tirsan Arsenal, ayaa mar kale xaqiijiyay rabitaankiisa ah inuu mustaqbalka dib ugu biiro kooxdiisii hore ee Palmeiras.

Jesus ayaa yiri: “Anigu ma aanan la xiriirin wax koox kale ah, rabitankayguna, sida aan mar walba sheegay, waa inaan ku laabto Palmeiras, iyaguna rabitaankoodu waa inaan soo laabto.”

Wuxuu sii raaciyay: “Markaan dareemo in waqtigu ii yimid inaan halkaas ku laabto, waxaan go’aankaas la gaari doonaa Arsenal.”

Sida ay baahisay wargeyska Ingiriiska ah ee Mirror, tababaraha Arsenal Mikel Arteta uusan doonayn bixitaanka Jesus waqtigan, si uu u haysto fursado badan oo weerar ah.

Waxaa xusid mudan in Jesus oo muddo dheer dhaawac uga maqnaa garoomada uu haatan isku diyaarinayo inuu dib ugu soo laabto ciyaaraha toddobaadyada soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga