Weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus ayaa sheegay inuu samaynayo “horumar weyn” oo uu “rajaynayo” inuu mar kale ku biiro kooxda kadib markii uu soo gaaray “ dhaawicii ugu weynaa ee noloshiisa.”
Jesus ayaa ku jiray xaalad fiican oo gool dhalin ah – isagoo lix gool dhaliyay toddobo kulan gudahood – markuu dhaawac culus ku qabsaday ciyaartii ay Arsenal 1-1 la gashay Manchester United bishii Janaayo.
Cabsiihii ugu xumaa ee Arsenal ayaa rumoobay markii la ogaaday in Jesus uu dillaacay seedda jilibka hore (anterior cruciate ligament) ee lugtiisa bidix, taasoo ka dhigtay inuu seego dhammaan xilli-ciyaareedkii hore.
Isagoo lagu khasbay inuu daawado bilowgii wanaagsan ee xilli-ciyaareedka cusub isagoo garoomada ka maqan, Jesus ayaa si adag u shaqeynaya si uu dib ugu soo ceshto taam ahaanshihiisii buuxda kadib qalliin lagu sameeyay.
Sawirro la qaaday toddobaadkan ayaa muujinaya Jesus oo ku tababaranaya kubbadda garoonka cawska ee London Colney, halkaas oo warbixino kala duwan ay sheegayaan in weeraryahanka reer Brazil uu ka horreeyo jadwalkii soo kabashadiisa.
Waxaa jira rajo ah in weeraryahankii hore ee Manchester City uu ku soo laaban karo ciyaaraha kooxda koowaad bisha December, si uu door muhiim ah uga ciyaaro Arsenal xilliga adag ee jiilaalka ee kooxda horyaalka iyo tartamada kale ku wajahan.
“Waan fiicanahay. Jilbkeyguna si aad ah ayuu uga soo jawaabayaa,” ayuu Jesus u sheegay barnaamijka maalinta ciyaarta ee Arsenal”.
“Waxaan rajaynayaa inaan dhowaan mar kale la joogo kooxda, si aan u soo laabto una sameeyo waxa aan jeclahay inaan sameeyo.
Waqti dheer ayay ahayd. Dhaawac sidan oo kale ah, oo muddo dheer ah, waxaad u kala jebisaa marxaladaha soo kabashada qaybo yaryar.
“Hadda waxaan marayaa heer aan u baahanahay inaan is celiyo wax yar, sababtoo ah waan si fiican uga shaqeynayaa bannaanka garoomada, balse way adag tahay maxaa yeelay waa inaanan isku degdegin xadka soo kabashada.
“Markaad aragto in dhamaadku dhow yahay, waa muhiim inaadan si xad dhaaf ah isu riixin, cagahana dhulka ku hayso, markuu waqtigu yimaadana waan diyaar noqon doonaa.”
Be the first to comment