Weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu diido dalab kasta oo uu kaga tagayo Emirates Stadium xagaagan, waxaana uu doonayaa inuu u dagaalamo booskiisa kooxda.
27-sano jirkaan ayaa kooxda ka dhisan Waqooyiga London uga yimid Manchester City bilowgii xilli ciyaareedka 2022-23 heshiis ku kacaya 45 milyan.
Jesus ayaa wacdaro ka dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Emirates, isagoo dhaliyay 11 gool, islamarkaana lix gool caawiye ka noqday 26 kulan oo Premier League ah, laakiin wuxuu ku dhibtooday xili ciyaareedkiisii 2-aad.
Xilli ciyaareedkii hore, waxa uu dhaliyay kaliya afar gool 27 kulan oo uu saftay horyaalka,waxana ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.
Bilihii la soo dhaafay, mustaqbalka Jesus ee Arsenal ayaa su’aalo la iska weydiiyay, iyadoo tababare Mikel Arteta iyo agaasimaha isboortiga Edu suuqa u galeen weeraryahan kale.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, Jesus ayaan aqbali doonin wax dalab ah oo uu uga tagayo kooxda Arsenal waxana uu doonayaa in uu u dagaalamo booskiisa.
Be the first to comment