Franck Ribéry Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Franck Ribéry, xiddigii hore ee Bayern Munich, ayaa sheegay in kooxda Bundesliga ay tahay tan ugu cadcad ku guuleysiga UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan.

Ribéry wuxuu hadalkan sheegay ka hor kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka, oo ay Bayern Munich la ciyaari doonto Atalanta Arbacada.

Sida uu sheegay xiddigga reer France, Bayern waa koox aad u xoog badan isla markaana ku jirta qaab ciyaareed fiican.

Wuxuu u sheegay La Gazzetta dello Sport:“Si cad ayaan u oran karaa, haa”

“Bayern ma aha oo kaliya koox aad u xoog badan, laakiin sidoo kale waxay ku jirtaa xaalad aad u wanaagsan”

“Aragtidayda, waa kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato Champions League.”

Waxaa xusid mudan in Bayern Munich ay 6–1 ku garaacday Atalanta lugtii hore ee ka dhacday Talyaaniga, taasoo si weyn u xoojisay rajadooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga