
Chelsea ayaa ka cabsi qabta in daafaca 70 milyan ku fadhiya ee Wesley Fofana uu seegi karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac halis ah oo soo gaaray.
Fofana ayaa kaga soo biiray Leicester bishii August 2022. Tan iyo markaas Chelsea ayaa ciyaartay 125 kulan laakiin waxa uu kaliya xiddigu ciyaaray 2 kulan sabab la xidhiidha haawacyo.
Tababare Enzo Maresca ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka hor Crystal Palace ku xaqiijiyay in Fofana uu haatan wajahayo waqti dheer oo uu garoomada ka maqnaan doono, inkastoo aysan weli go’aansan inuu u baahan yahay qaliin.
Iyadoo Benoit Badiashile uu sidoo kale maqan yahay ilaa ugu yaraan February, dhibaatooyinka daafaca ayaa ku sii kordhaya Maresca ka dib markii ay guuldarrooyin kala kulmeen Ipswich iyo Fulham isla markaana ay barbaro la galeen Everton.
“Marka uu Fofana ciyaarayo waxa aan nahay koox fiican”ayuu Maresca yidhi.
“Waa dhirbaaxo weyn in aan lumino isaga wayna adagtahay in aan xal helno”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment