Flick Oo Ka Hadlay Bar-Barihii Ay Barcelona La Gashay Man City.

Tababaraha cusub ee Barcelona Hansi Flick, ayaa sheegay inuu doonayo inuu dhiso Wax la mid ah wixii uu Pep Guardiola ka dhisay Man City.

Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaartay ciyaar saaxiibtinimo subaxnimadii Arbacada kooxda reer England ee Manchester City.

Xiddigo Badan oo da’yar ah ayaa Barcelona u ciyaaray kulanka iyada oo Tababare Flick fursad siiyay xiddigo da’yar ah.

Pep Guardiola ayaa ku guuleystay inuu Manchester City ka dhigo koox adag kooxaha premier League iyo tartamada yurub Hansi Flick ayaana doonaya inuu khibradaas ku sameeyo Barcelona.

Hansi Flick ayaa hadlay ka dib markii ay ciyaartu dhamaatay, isagoo leh, “Waxay ahayd ciyaar cajiib ah oo faa’iido leh oo aan la ciyaarnay mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka.”

“Waxaan dooneynaa inaan sameyno wax la mid ah wixii uu Guardiola ka sameeyay Man City”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga