
Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay inuusan la dhicin mar kasta oo uu daawado weeraryahanka cusub ee Arsenal Viktor Gyokeres.
Gyokeres ayaa Emirates ku yimid lacag dhan 63 milyan oo gini isaga oo kaga soo biiray Sporting CP xagaagan.
Ferdinand ayaa hadda ku booriyay taageerayaasha inay “dejiyaan” marka ay timaado rajooyinka ay ka filayaan 27-jirka Gyokeres.
Mikel Arteta Ayaa Gyökeres ku bilaabay kulankiisii ugu horeeya ee Rasmi ah Axadii laakiin waxa uu ku fashilmay in uu xitaa hal laad ku laago goolka ka hor inta aan lagu bedelin Kai Havertz qeybtii labaad.
Ferdinand oo la hadlayay Cheeky Sport ayaa yiri: “Is deji, labo jeer ayaan arkay isaga qaab Ciyaareerd fiican ku jira waxaana daawaday isaga [oo u ciyaaraya Arsenal kulankii Manchester United Axadii].
“Ma aanan arkin wax ku filan oo aan ku damaanad qaadi karo [qiimihiisu] marka la eego qaab ciyaareedkiisa”.
Be the first to comment