Pascal Ferré, oo hore u ahaa madaxa France Football kana tirsanaa maamulka abaalmarinta Ballon d’Or, ayaa shaaca ka qaaday dhacdo yaab leh oo ka dhacday kulamo looga hadlayay abaalmarinta.
Wakiil u shaqeynayay ciyaaryahan Premier League ah ayaa Ferré la kulmay, isagoo isku dayay inuu ku qanciyo inuu taageero musharraxnimada ciyaaryahankiisa. Wakiilku xitaa wuxuu weydiiyay haddii codadka guddiga la “iibsan” karo.
Ferré wuu diiday inuu farageliyo, Markii uu muddo yar ka maqnaa miiska, wakiilkii wuu baxay, balse wuxuu halkaas kaga tagay baqshad qarsoodi ah. Ferré ma uusan furin, wuxuuna si toos ah ugu dhiibay soo-dhoweynta hotelka. Waxa ku jiray weligiis lama oga.
Dhacdo kale, ciyaaryahan Faransiis ah ayaa lagu sheegay inuu isku dayay inuu ogaado qiimaha lagu iibsan karo codadka, xitaa qiimaha lagu heli karo abaalmarinta lafteeda. Isaguna kuma guuleysan isku daygaas.
Labada dhacdo waxay dib u soo nooleeyeen su’aalo ku saabsan cadaadiska, ololaha iyo isku dayga saameynta codbixinta Ballon d’Or.

