Fabrizio Romano Oo Xaqiijiyay Sababta Ay Arsenal Ugu Dhibaatoonayso Dhamaystirka Saxiixa Riccardo Calafiori.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhibataoonaysa in ay dhamaystirto saxiixa daafaca Kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa Riccardo Calafiori ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Romano ayaa sheegay in ay kooxda Bologna doonayso saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Jakub Kiwior in uu ka qayb ahaado heshiiska.

Laakiin xiddiga reer Poland ee Jakub Kiwior ayaa diiday in uu ku biiro kooxda Bologna kana qayb noqdo heshiiska daafaca Riccardo Calafiori.

Xiddiga Riccardo Calafiori ayaa haatan sugaya in uu ku biiro kooxda Arsenal iyada oo kooxdu ka shaqaynayso heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga