
Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong sida ay sheegayaan wararku.
Jeremie Frimpong Ayaa noqday badartilmaameedka ugu weyn ee Liverpool suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso daafaca midig xilli ciyaareedka dambe.
Liverpool ayaa durba bilowday dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga reer Netherlands si ay deg-deg ugu dhamaystirto heshiiskiisa.
Wararka ka imanaya Germany ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Jeremie Frimpong.
Xiddiga Jeremie Frimpong ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu ku joogo doono Anfild ilaa xagaaga 2030.
Be the first to comment