FA Cup: 22 Kooxood Oo U Gudbay Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka.

Ugu yaraan 22 kooxood ayaa u soo baxay wareegga afraad ee FA Cup-ka kaddib dhammaadka kulamadii habeenkii Sabtida.

Kooxda Chelsea ayaa soo xiray kulamada, iyagoo 5–1 si weyn ugu garaacay Charlton Athletic.

Manchester City ayaa si xun u burburisay Exeter iyagoo ku garaacay 10–1, Fulham ayaa 3–1 kaga adkaatay Middlesbrough.

Axadda, Arsenal ayaa marti u noqon doonta Portsmouth halka ay Derby County marti galin doonaan Leeds United sidoo kale West Ham ayaa soo dhaweyn doonta QPR, halka Norwich City ay wajihi doonto Walsall.

Kooxaha ilaa hadda u soo baxay wareegga afraad ee FA Cup-ka:

Premier League (9):
Aston Villa, Brentford, Burnley, Fulham, Man City, Newcastle, Sunderland, Wolves, Chelsea

Championship (8):
Birmingham, Bristol City, Ipswich, Leicester, Oxford, Southampton, Stoke, Wrexham

League One (3):
Burton, Port Vale, Wigan

League Two (1):
Grimsby

National League North (1):
Macclesfield

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga