Everton Oo Ka Inkaarsatay Arsenal, Bar-Baro Ayay Ku Qabteen.

Kooxda Everton ayaa hadiyad dirtay Liverpool kadib markii ay ka qabatay Arsenal tartanka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal maamulayso iyada oo Everton ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah inta kalena daafac ku jirta.

Arsenal ayaa samaysay fursado badan laakiin waxa ay ku dhibaatoonayeen goolka hortiisa.

Daqiiqadii 34-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Leandro Trossard kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso ciyaarta inkasta oo ay Everton heshay fursado wax ku ool ah.

Qaybtii dambe ayay Everton si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 49-aad ayay Everton dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga lliman Ndiaye kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal dhibco kale lumisay tartanka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga