Erling Haaland Oo Bar-Bareeyay Ruud Van Nistelrooy iyo Harry Kane

Erling Haaland ayaa bar-bareeyay laba rikoodh oo premier League ah oo ay dhigeen Ruud van Nistelrooy iyo Harry Kane ka dib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee ay Manchester City 1-0 kaga badisay Tottenham Hotspur Arbacadii.

Xiddiga reer Norway ayaa shaki la galinayay inuu taam u yahay kulanka kadib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Real Madrid Iyo Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Haaland ayaa ka gudbay tijaabadii taam ahaanshaha waxana uu ku bilowday kulankii Tottenham isaga oo dhaliyay goolka guusha.

Goolkii Haaland ayaa ahaa Goolkii 20-aad ee uu ka dhaliyay Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo noqday ciyaaryahankii labaad ee ka dib weeraryahankii hore ee Manchester United haatana ah tababaraha Leicester City Ruud van Nistelrooy oo dhaliyay ugu yaraan 20 gool seddexdii xilli ciyaareed ee ugu horeysay ee horyaalka.

24-sano jirkaan ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii labaad ee ka dambeeya weeraryahankii hore ee Tottenham Harry Kane oo dhaliyay 10 gool ama wax ka badan minin Iyo marti 3 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga