Erling Haaland Mise Alexander Isak? Pep Guardiola Oo Doortay Weeraryahanka Ugu Fiican Adduunka

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in uu Erling Haaland ku qiimeeyo meel ka saraysa weeraryahanka cusub ee Liverpool, Alexander Isak.

Haaland iyo Isak waxaa si weyn loogu tixgeliyaa inay ka mid yihiin weeraryahanada ugu fiican ee Yurub, waxayna la filayaa inay sanado badan isku hayaan tartanka abaalmarinta shaqsiyadeed iyo hanashada koobabka waaweyn.

Alexander Isak ayaa haatan si toos ah tartan ula galay Erling Haaland marka la eego hanashada horyaalka Premier League iyo Champions League, kaddib markii uu dhammeystiray heshiis rikoodh jebin ah oo British ah oo gaaraya £125 milyan – kaasoo suurtagal ahaan ku kici kara illaa £130 milyan – maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga.

Isak ayaa loo arkaa inuu yahay weeraryahan si toos ah ula tartamaya Haaland, iyadoo labadooduba ay matalayaan laba ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Yurub, kuna dagaallamaya hanashada abaalmarinta gooldhalinta, horyaalada, iyo sharafta ugu sarreysa ee kubadda cagta Yurub.

kaasoo ku tilmaamay weeraryahanka 25-jirka ah inuu “malaha yahay weeraryahanka ugu fiican adduunka” mar uu ammaanayey sida Jon Dahl Tomasson – macallinka xulka Sweden – si xikmad leh uga faa’iideystay Isak intii uu ku maqnaa waajibaadka caalamiga ah.

Hadalladii Arne Slot ee ahaa in Alexander Isak uu “malaha yahay weeraryahanka ugu fiican adduunka” ayaa loo gudbiyay Pep Guardiola kahor kulanka Manchester City ee derby-ga adag la leh Manchester United.

Markii la waydiiyay meesha uu Erling Haaland ka gelinayo marka la barbardhigo Isak, Guardiola si kooban oo kalsooni leh ayuu uga jawaabay:“Wax yar ayuu ka sarreeyaa.”

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, inkastoo uu caddeeyay inuu Erling Haaland ka doorbido Alexander Isak, haddana wuxuu si weyn u amaanay weeraryahanka cusub ee Liverpool.

Guardiola wuxuu yiri:

“Isak waa ciyaaryahan heer sare ah. Adigu waxaad i weydiisay Erling, waana kan ugu sarreeya.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Isak waa inuu yahay ciyaaryahan heer sare ah haddii la fiiriyo waxa ay Liverpool ka bixisay. Laakiin qof kale wuxuu dhihi lahaa [Kylian] Mbappé, [Lionel] Messi, Cristiano [Ronaldo] – waa ciyaar fikrado kala duwan ah.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga