Erik Ten Hag Oo Sheegay Sababta Uu Doonayo In Uu U Sii Haysto Scott McTominay

Erik ten Hag ma doonayo inuu iibiyo Scott McTominay xagaagan iyadoo ay xiiseynayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fulham iyo Galatasaray.

United ayaa horay u helay dalabyo ku aadan adeegiisa laakiin Ten Hag ayaa carabka ku adkeeyay inuu doonayo inuu sii haysto McTominay.

Isagoo hadlayay ka dib markii United ay guul ka gaartay ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Rangers Sabtidii, Ten Hag ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inaan heysano ciyaartoy aad u wanaagsan, sidaas darteed mar walba waxa ay xiiso ka helayaan kooxo kale haddii aad dhaliso 10 gool xilli ciyaareed oo aad si fiican u soo bandhigto Scotland waxaa jiri doona xiiso”.

“Waxaan dooneynaa inaan dhab ahaantii sii haysano isaga sababtoo ah waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah kooxdeena, waxaan aragnay waxa uu ku soo kordhin karo xilli ciyaareedkii hore, markii aan heysanay lix-sano oo uu ka ciyaari karo door horumarsan, waa ciyaaryahan aad u xiiso badan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga