Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka warbixiyay Xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa.
Man United ayaa la ciyaartay Arsenal kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Man United waxa ka dhaawacmay xiddigaha Leny Yoro iyo Rasmus Hojlund oo ku bilowday kulanka.
Red Devils ayaa war xun ka heshay laba xiddig oo kooxdiisa ah kuwaas oo ku dhaawacmay kulanka.
“Waa inaan sugno wax ka badan 24 saacadood ka dibna waxaan heli doonaa warbixin badan ayuu Ten Hag yidhi.
“Aad ayaan uga taxadarnay, gaar ahaan Leny, wuxuu sameeyay kaliya 50% tababarka waxana ay ahayd wax laga niyad jabo in uu dhaawac ku boxo laakiin aan rajayno war fiican”ayuu Sii raaciyay.
Be the first to comment