Erik Ten Hag Oo Ka Hadlay Xiisaha Kooxdiisa Ee Matthijs de Ligt

Erik ten Hag ayaa xaqiijiyay in Man United ay riixayso saxiixa daafaca Bayern Munich Matthijs de Ligt xagaagan.

Wareysi uu siiyay AD Sportwereld, wuxuu ku yiri: “Waa la arki doonaa in De Ligt uu imaan doono iyo in kale. Si fiican ayaan u aqaan Matthijs mana dafiri doono taas (waan xiisaynaa)”.

“Waxaan doonayay inaan la soo wareego laba sano ka hor, laakiin waqtigaas waxa uu ku biiray Bayern Munich laakiin anigu magaciisa uma sheegin maamulka Man United”.

Hadalka Ten Hag ayaa imanaya xilli ay Man United wadahadalo la qaadatay Bayern Munich si ay u hesho saxiixa daafaca dhexe.

Kooxda Ten Hag ayaa u baahan haatan in ay iska iibiso xiddigo daafaca ka ciyaara ka hor inta ayna u dhaqaaqin Matthijs de Ligt.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga