Erik Ten Hag Oo Jonny Evans Ka Ciyaarsiin Doona Boos Kale, Sabab.

Tababaraha Kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa door cusub u abuuray xiddiga ruug caddaaga ah ee Jonny Evans.

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay wajahdo kooxda Brentford sabtida soo socota kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Daily Mail, dhaawacyada ayaa ku qasbi doona Ten Hag inuu u isticmaalo Jonny Evans isaga oo ka ciyaarsiin doona boos kale.

Wararka ayaa sheegaya in xiddigaha Man United uga ciyaara daafaca bidix ee Tyrell Malasia iyo Luke Shaw ay seegi doonaan kulankaan.

Evans ayaa laga yaabaa inuu ciyaarta daafaca Bidix kulanka Brentford ee premier League.

Evans ayaa ilaa haatan Man United la ciyaaray 6 kulan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 3 kulan oo horyaalka ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga