Erik ten Hag ayaa soo saaray bayaan wuxuuna hadlay markii ugu horaysay tan iyo markii laga cayriyay shaqada Manchester United.
Ten Hag, oo la magacaabay 2022, ayaa shaqada laga ceyriyay isniintii ka dib guuldaradii muranka dhalisay ee 2-1 ay kala kulmeen West Ham, taasoo ka dhigeysa in United ay ku jirto kaalinta 14aad ee kala sarreynta Premier League.
Hadda ninka reer Holland waa uu ka baxay aamusnaantiisa, waxaana uu ku yiri bayaan uu soo wakiishay, SEG Football ee Bogga X”Taageerayaasha qaaliga ah, aan ku bilaabo in aan idiin mahadceliyo, Wada-ku mahadsantihiin in aad mar walba kooxda garab istaagteen, hadii aan ku ciyaarayno garoonkeena ama hadii aan marti nahay, taageeradiinu waxa ay ahayd mid aan la ruxi karin”.
“Waxaan sidoo kale rabaa inaan u mahadceliyo shaqaalaha waax kasta oo naadiga ka mid ah taageerada hagar la’aanta ah ee wakhtiyada wanaagsan iyo kuwa xunba. Waxaan ku guuleysanay labo koob – guulo aan qadarin doono inta noloshayda ka dhiman. Dabcan, riyadeydu waxay ahayd inaan koobab badan keeno kooxda Nasiib darro, riyadaasi way soo dhamaatay”.
“Dhammaan taageerayaasha Manchester United waxaan u rajeynayaa guul, koobab iyo sharaf, taageeradiina iyo diirimaadkii aan ka helay qof walba oo kooxda ah ayaa iga caawiyay inaan dareemo guriga, waad ku mahadsan”.
Be the first to comment