Enzo Maresca Oo Sharaxay Sababta Ayna Chelsea Ugu Tartamayn Premier league Xilli Ciyaareedkan.

Enzo Maresca ayaa sheegay in Chelsea aysan diyaar u ahayn inay kula tartanto kooxaha Manchester City iyo Arsenal koobka Premier League inkastoo ay si xoogan ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka,waxana ay dhaliyeen 15 gool,waxana ay yihiin gooldhaliyayaasha ugu sareeya horyaalka kadib markii ay badiyeen afar ka mid ah lixdii kulan ee ay ciyaartay.

Kooxda chelsea ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedkan laakiin Maresca ayaa meesha ka saaray in ay kooxdiisu u tartamayso horyaalka premier League.

“Uma malaynayo in aan City iyo Arsenal kula tartamayno horyaalka premier League”ayuu yidhi.

“Sababta ayaa ah in City ay la shaqeyneyso hal tababare muddo sagaal sano ah, Arsenal shan sano. Waa wax haddii aad rabto inaad u tartanto waxyaabo muhiim ah, waxaad u baahan tahay wakhtigaas”.

“Kadib ciyaartii Arsenal iyo PSG, waxa ay tababaraha PSG ee Luis Enrique waydiiyeen, waxa uu sheegay in Farqiga u dhexeeya PSG iyo Arsenal yahay in ay Arsenal la shaqaynaysay hal tababare muddo hal sano ah”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga