Enzo Maresca Oo Magacaabay Labada Xiddig Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Wakhtigan Xaadirka.

Macalinka Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in hal ciyaaryahan oo keliya oo ka ciyaara khadka dhexe ee difaaca adduunka lagu barbar dhigi karo Moises Caicedo.

Tani ayuu yiri kadib bandhiggiisii ugu dambeeyay ee cajiibka ahaa intii lagu jiray guushii 1–0 ee Chelsea ka gaartay Tottenham Hotspur Sabtidii.

Chelsea ayaa ku garaacday kooxdooda deriska ah ee London 1–0 garoonka Tottenham Hotspur Stadium, iyadoo goolka kaliya uu qeybtii hore dhaliyay Joao Pedro.

Natiijadaas ayaa dib ugu soo celisay Chelsea afarta sare ee kala sarreynta Premier League.

Mar kale, Caicedo ayaa muujiyay adkaysi weyn isagoo laba jeer kubbadda ka soo qaatay cayaartoyda Tottenham ka hor inta uusan caawin Joao Pedro si uu u dhaliyo goolka guusha.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Koonfur Ameerika ayaa soo bandhigay ciyaar dhammaystiran, isagoo si firfircoon u difaacayay uguna dhisayay weerarka, taasoo kooxdiisa u horseeday guul ay si buuxda u istaahileen.

Isagoo ka hadlayay kadib markii loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulanka, Maresca ayaa tilmaamay in keliya Rodri oo Manchester City ka tirsan uu la barbardhigi karo Caicedo.

“Waa ciyaaryahan heer sare ah. Waqtigan, aniga waxaan aaminsanahay isaga iyo Rodri inay yihiin labada khad-dhexe ee difaac ee ugu fiican dunida,” ayuu Maresca u sheegay Sky Sports.

Isagoo hadalkiisa sii watay shirkii jaraa’id ee ciyaarta kadib, ayuu yiri:

“Moi (Caicedo) wuxuu muujinayaa sida uu u wanaagsan yahay. Waa mid heer sare ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga