Enzo Maresca ayaa aaminsan in koox 4-aad ay kula tartami doonto kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Chelsea hanashada horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa afar dhibcood oo nadiif ah ku haysa hogaanka horyaalka Reds ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 16 kulan oo horyaalka ah intii uu hogaaminayay tababaraha cusub ee Arne Slot.
Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ka dib markii ay si lama filaan ah ugu tartamaysa premier League xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee tababare Maresca.
Arsenal, oo si aad ah ugu dhawaatay inay ku guuleysato horyaalka intii uu hogaaminayay Mikel Arteta, ayaa ku jirta kaalinta seddexaad, iyadoo Nottingham Forest ay ku jirto kaalinta ugu dambeysa ee Champions League ka dib qeybtii hore ee xilli ciyaareedka.
Koox kale oo wacdaro dhigtay ayaa ah Bournemouth kuwaas oo ku jira kaalinta 5-aad halka ay kooxda difaacanaysa horyaalka Man City ku jirto kaalinta 7-aad.
Inkasta oo ay kooxda Man City dhibaatoonayso Maresca ayaa filaya in ay Man City ku jirto tartanka premier League xilli ciyaareedkan.
“Man City way ku jirtaa tartanka”ayuu Maresca yidhi.
“Haatan waxa ay ku jiraan xaalad aan horay ugu dhicin”.
“Mar walba oo ay kulan ciyaaraan xiddig ayaa ka dhaawacmay mana haystaan xiddigo ku filan wakhtigan”.
Be the first to comment