
Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa heysta labo kulan si uu u badbaadiyo shaqadiisa, sida uu qabo Paul Merson.
Tababarha ayaa kasbaday ammaan dhinac walba ah intii lagu jiray qeybtii hore ee xilli ciyaareedka, isagoo isku shaandheeyay kooxda kana Dhigay kuwo ku Jira qaab ciyaareedkeed fiican qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan.
Laakiin wixii markaas ka dambeeyay kooxda Chelsea ayaa Fashilantay waxana ay badisay kaliya labo jeer 10kii kulan ee ugu dambeysay Premier League.
Labada kulan ee soo socda ayay Chelsea la ciyaari doontaa kooxaha Southampton iyo Leicester city kuwaas oo ka mid ah kooxaha ugu hooseeya Merson ayaana aaminsan in uu Maresca badiyo labada kulan hadii uu doonayo in uu sii haysto shaqadiisa.
“Haddii aysan badin labada kulan ee soo socda, tababaraha waa la caydhin doonaa”Merson ayaa u sheegay Sky Sport.
“Waxay la ciyaarayaan laba ka mid ah kooxaha ugu xun Premier League ma garanayo inta ay le’eg tahay, Southampton iyo Leicester”.
Be the first to comment