Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, Enzo Fernández, ayaa sheegay in ay jiraan ugu yaraan shan kooxood oo ku jirta tartanka hanashada Premier League.
Fernández wuxuu rumeysan yahay in “tartamayaashan” ay awood u leeyihiin inay ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka la tartamaan Arsenal.
Hadda, Arsenal waxay hogaanka ku haysaa shan dhibcood, kaddib markii ay hal mar oo keliya laga badiyay 13-kii kulan ee ugu horreeyay.
Manchester City ayaa ku jirta kaalinta labaad, halka shanta sare ay buuxinayaan Chelsea, Aston Villa iyo Brighton.
Inkasta oo Liverpool ay ku jirto kaalinta siddeedaad, hadana Fernández weli wuxuu u arkaa kooxdaas inay yihiin tartamayaal ku jira hanashada horyaalka.
” Dabcan waan nahay [kuwa u tartamaya horyaalka],” ayuu Fernández u sheegay GiveMeSport.
“Xilli-ciyaareedkan, waxaa jira tartamayaal badan: Liverpool, Manchester City, Manchester United. Koox walba waxay u dagaallameysaa inay gaarto meelaha sare. Waxaa jira kooxo aad u xoog badan oo ka ciyaara Premier League.”
Be the first to comment