Enzo Fernandez Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Chelsea Si Maldahana Ugu Digtay Liam Rosenior.

Enzo Fernandez ayaa sheegay inuusan meesha ka saarin suurtagalnimada inuu ka tago Chelsea dhammaadka xilli-ciyaareedka, wuxuuna sidoo kale qirtay in Paris Saint-Germain ay ahaayeen kuwo xeelad ahaan ka fiican kooxda uu hoggaamiyo Liam Rosenior kadib kulankii Champions League ee Talaadadii.

Chelsea waxay la kulantay hawl aad u adag si ay u gaarto quarter-finalka UEFA Champions League, kadib markii ay 5–2 ku guuldarreysatay lugtii hore ee ay la ciyaareen PSG toddobaadkii hore.

Kulankii lugta labaad ee ka dhacay Stamford Bridge, Chelsea waxay bilowday si xun, iyadoo Khvicha Kvaratskhelia uu PSG u dhaliyay gool daqiiqaddii 6-aad. Kadib Bradley Barcola ayaa laba jibbaaray hoggaanka daqiiqaddii 14-aad, taasoo ciyaarta ka dhigtay mid ku dhowaad la go’aamiyay, halka Senny Mayulu uu dhameystiray guusha 3–0 ee kooxda Luis Enrique qeybta labaad.

Natiijadan waxay ka dhigtay Chelsea inay ka harto Champions League, laakiin waxay wali wajihi doontaa Port Vale wareegga quarter-finalka ee FA Cup 4-ta Abriil, iyadoo sidoo kale ku jirta kaalinta 6-aad ee Premier League, halkaas oo ay u harsan yihiin 8 kulan.

Enzo Fernandez weli wuxuu qandaraas kula jiraa Chelsea ilaa sanadka 2031, laakiin khadka dhexe ayaa shaki geliyay mustaqbalkiisa Stamford Bridge kadib guuldarradii culus ee ay kala kulmeen Paris Saint-Germain.

Markii la weydiiyay haddii uu dammaanad qaadi karo inuu weli ahaan doono ciyaaryahan Chelsea xilli ciyaareedka dambe, Fernández wuxuu u sheegay ESPN Argentina:“Ma aqaan, ma aqaan.”

“Waxaa haray sideed kulan iyo FA Cup. Waxaa sidoo kale jira FIFA World Cup, kadibna waan arki doonaa waxa dhaca.”

Marka uu qiimeynayay guuldarradii 3–0 ee ay Chelsea kala kulantay Paris Saint-Germain kulankii lugta labaad, Enzo Fernández wuxuu sheegay in xeeladaha tababare Liam Rosenior aysan ku filneyn inay ka adkaadaan horyaalka UEFA Champions League.

“Waxaan u maleynayaa inaan luminay xakamaynta kulankii lugta hore”

“15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, waxaan u maleynayaa inay dhaliyeen saddex gool. Farqi saddex gool ah waa mid aad u weyn kubadda cagta maanta”

“Waxaan sameynay qaladaad, waana ku bixinay, kubaddana waxay ku saabsan tahay faahfaahinta yar-yar. Ugu dambeyn, Paris Saint-Germain way ka faa’iideysteen fursadahaas. Kadibna, waxay noqotay ciyaar aad u adag”

“Dabcan, waxay gool dhaliyeen daqiiqadihii hore ee kulanka, ugu dambeynna wax walba waxay ku xirnaayeen faahfaahinta—sidaas ayay kubadda cagtu tahay”

“Hambalyo PSG, sababtoo ah aad bay nooga fiicnaayeen, waxaanan u maleynayaa inay naga guuleysteen dhinaca xeeladda”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga