Xiddiga da’da yar ee Real Madrid, Endrick, ayaa ka hadlay guushii xamaasadda lahayd ee kooxdiisa ay ka gaartay Roma, isagoo shaaca ka qaaday inuu Alle baryayay xilli uu kursiga keydka fadhiyay, isla markaana uu taageero u muujiyay Vinícius Jr oo uu sheegay in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo.
Real Madrid ayaa Roma kaga adkaatay 4-3, kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka horyaalka Champions League xilli ciyaareedka 2026/2027. Kooxda reer Spain ayaa ka badbaadday guuldarro, kaddib markii ay qeybtii labaad ee ciyaarta sameysay soo laabasho cajiib ah.
Endrick oo ciyaarta kaddib hadlayay ayaa sheegay inuu dareen xooggan ku jiray, xilli uu kursiga keydka fadhiyayna uu Alle ka baryayay in fursad la siiyo oo uu garoonka soo galo.
“Weli waxaan dareemayaa saameynta ciyaarta. Anigoo kursiga keydka fadhiya ayaan Alle baryayay inaan ciyaaro. Markii aan kor u eegay, waxaan maqlay iyagoo ii yeeraya si aan garoonka u galo,” ayuu yiri Endrick.
Wuxuu intaas ku daray inuusan fileyn in fursaddiisa ciyaareed ay sidaas ugu soo degdegto, balse uu doonayo inuu caawiyo kooxdiisa iyo tababaraha, isagoo xusay in waxa ugu muhiimsan ay tahay guusha Real Madrid.
Xiddigan reer Brazil ayaa qiray in ka ciyaarista Real Madrid ay tahay arrin adag, maadaama tartanka boosaska kooxda uu aad u sarreeyo.
“Haddii aanan waxaas sameyn karin, aniga ayaa noqonaya qofka ugu horreeya ee baxaya. Inaad ka mid noqoto Real Madrid waa arrin adag, waxaana maalin kasta u dagaallami doonaa booskeyga,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Endrick ayaa sidoo kale sheegay inuusan ogeyn haddii uu ciyaari doono kulamada soo socda, isagoo tilmaamay in tababarayaashu ay go’aannadooda ku saleeyaan waxa kooxda u wanaagsan, halkii ay ka eegi lahaayeen danaha shaqsiyeed ee hal ciyaaryahan.
Wuxuu ballanqaaday inuu sii wadi doono shaqada adag iyo dagaalka uu ugu jiro inuu kooxda caawiyo.
Endrick ayaa sidoo kale ka hadlay ganaaxa Vinícius Jr ee horyaalka La Liga, isagoo sheegay in gudaha kooxda ay filayeen in ganaax laba kulan ah la saaro, balse ay ogaayeen in taasi aysan dhici doonin.
Isagoo difaacaya saaxiibkiisa, ayuu yiri: “Waxa Vinícius lagu sameynayo waa wax aan caadi ahayn, xaaladduna isma beddeli doonto. Waxaan ogeyn in arrimuhu sidaas u dhici doonaan iyo in isaga la bartilmaameedsan doono.”
Endrick ayaa ku tilmaamay Vinícius ciyaaryahan adag oo mar kasta la dagaallama caqabadaha soo wajaha, wuxuuna rajo ka muujiyay inuu si xooggan ugu soo laaban doono garoomada marka uu ganaaxiisu dhammaado.
Ugu dambeyn, Endrick ayaa sheegay in Real Madrid aysan ku ekaan doonin guusha ay Roma ka gaartay, maadaama ay kooxdu weli u tartameyso Champions League, La Liga, Copa del Rey iyo tartamada kale ee xilli ciyaareedka.
Wuxuu caddeeyay in himilada kooxda ay tahay inay ku guuleysato dhammaan koobabka ay u tartamayso, isla markaana ay sii wadi doonto dagaalka ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.

