Emmanuel Petit Oo Sheegay 3 Sabab Oo Ay Arsenal Ugu Guulaysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareedka.

Emmanuel Petit ayaa magacaabay saddex sababood oo uu u malaynayo in kooxdiisii ​​hore ee Arsenal ay ku guulaysan doonto horyaalka Premier League 2024-25 xilli ciyaareedkan.

Gunners, oo hadda tartanka horyaalka kula jirta Liverpool iyo Nottingham Forest, ayaa aad u doonaysa in ay ku guulaysato premier Leageue markii ugu horaysay muddo 21 sano ah.

Arsenal ayaa si aad ah ugu soo dhawaatay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay Man City ku garaacaan horyaalka.

Petit ayaa aaminsan in Arsenal ay ugu dambayn xilli ciyaareedkan soo afjari doonto sugitaankooda horyaalka isaga oo magacaabay 3 sabab oo ay ugu guulaysan doonto horyaalka.

Emmanuel Petit oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan rumaysanahay in ay Arsenal ku guulaysan doonto horyaalka waxana aan kuu sheegi doonaa sababta”.

“Sababta ugu horaysa ayaa ah in ay Kooxaha kale sida Liverpool ku jirto tartamo badan”.

“Laakiin Arsenal waxa ay ka hadhay FA Cup-ka sidoo kale waxa ay ku dhawdahay in ay ka hadho tartanka Carabao cup-ka kaliya waxa ay diirada saari doontaa champions League Iyo Premier League”ayuu sii raaciyay.

“Arsenal, waxa ay qabaan dhaawacyo aad u badan, laakiin dhawaan ayay soo laaban doonaan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga