Emmanuel Petit Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo U Ciyaara Chelsea Iyo Liverpool In Ay Ku Biiraan Arsenal

Emmanuel Petit ayaa magacaabay labadii ciyaaryahan ee uu jeclaa inay ku biiraan Arsenal ka hor inta aysan u wareegin Chelsea iyo Liverpool siday u kala horreeyaan.

Kooxda Arsenal ayaa dhistay koox adag oo uu hoggaamiyo Mikel Arteta, iyagoo haatan hoggaaminaya horyaalka Premier League isla markaana u dagaallamaya hanashada koobka.

Sannadkii 2023, Arsenal waxay la saxiixatay Declan Rice heshiis dhan £105 milyan oo kaga yimid West Ham, balse waxaa jiray laba ciyaaryahan oo khadka dhexe ah oo halyeeygii hore ee Arsenal, Petit, uu isha ku hayay.

Isla sannadkaas oo Arsenal ay keensatay Rice, kooxda Chelsea ayaa lasoo wareegtay Moises Caicedo oo ka yimid Brighton, halka Alexis Mac Allister uu u wareegay Liverpool.

Chelsea ayaa bixisay £115 milyan si ay u hesho Caicedo, halka Liverpool ay Brighton siisay lacag hordhac ah oo dhan £35 milyan si ay u helaan Mac Allister, taas oo kor u kici karta ilaa £55 milyan marka lagu daro qodobada dheeraadka ah.

Caicedo ayaa si fiican ugu ciyaaray Chelsea xilli ciyaareedkan, wuxuuna ka caawiyay Blues inay ku guuleystaan Club World Cup iyo Conference League sannadkii 2025.

Dhanka kale, Mac Allister ayaa tan iyo markii uu ku biiray Liverpool ku guuleystay Carabao Cup iyo Premier League, isagoo ilaa hadda ciyaaray guud ahaan 111 kulan.

“Waxaan rabay in Caicedo iyo Mac Allister ay yimaadaan Arsenal”

Petit ayaa qirtay inuu jeclaa in Arsenal ay la saxiixato labadooda xilli ay weli u ciyaarayeen kooxda Brighton.

Petit ayaa u sheegay JeffBet: “Markii Caicedo uu joogay Brighton, waxaan rabay in Arsenal ay labadoodaba — isaga iyo Mac Allister — wada saxiixato.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga