Emile Heskey Oo Magacaabay Xiddig Premier League Oo Xitaa Ka Fiicnaan Kara Haaland.

Emile Heskey wuxuu aaminsan yahay in hal weeraryahan oo Premier League ah ‘uu xitaa ka fiicnaan karo’ xiddigga Manchester City Erling Haaland.

Haaland ayaa loo arkaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka ka hor inta uuna iman Man City waxana uu kor u qaaday sumcadiisa labadii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu dhaliyay 52 gool 12-kii bilood ee ugu horeeyay Etihad Stadium, waxaana uu dhaliyay 38 kale xilli ciyaareedkii hore si uu uga caawiyo Manchester City inay ku guuleysato seddexleey taariikhi ah oo ay soo afjarto sugitaanka koobka Champions League.

Inkasta oo Haaland ku jiro gooldhalin cajiib ah, Heskey wuxuu leeyahay Aston Villa iyo xiddiga England Ollie Watkins ‘wuxuu xitaa ka fiicnaan karaa xiddiga reer Norway.

Watkins ayaa ku riyaaqay 3 xilli ciyaareed oo cajiib ah ka hor intii uuna ciyaartiisa u qaadin heer kale isla markaas dhalin 27 gool xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan.

“Waxaan u maleynayaa in Aston Villa ay heshay weeraryahanka ugu fiican Premier League ka dib Erling Haaland”ayuu yidhi Heskey.

“Waxa xitaa la odhan karaa Watkins wuu ka fiicnaan karaa Haaland sababta oo ah waa ciyaaryahan dhamaystiran oo Aston Villa siiya goolasha ugu badan”.

“Haaland inta badan kuma mashquulo ciyaarta inteeda kale laakiin Watkins mar walba waxa uu ku lug leeyahay ciyaarta inteeda kale”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga