Ederson Oo Magacaabay Xiddiga Uu Doonayo In Loo Caleemo Saaro Abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

Goolhayaha Manchester City, Ederson, ayaa doortay ciyaaryahanka uu doonayo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

Ederson ayaa iska indha-tiray saaxiibkiis kooxda City, Rodri, kaasoo ka mid ah kuwa ugu cadcad abaalmarinta.

Taa baddalkeeda, 31-sano jirkaan ayaa doorbidaya wiilka ay isku dalka yihiin ee Vinicius Junior, in loo caleemo saaro ku guuleysiga 28-ka October.

Isaga oo u hadlaya TNT Sports Brazil, Ederson waxa uu yidhi, “Waxa aan doonayaa in uu Vini Jr ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or”.

“Waxan rajaynayaa in uu isagu ku guulaysto abaalmarinta sababta oo ah isaga ayaa u qalma kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga