Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa dib u huriyay khilaafkii muddada dheer kala dhexeeyay halyeeyga Arsenal, Martin Keown, kaddib markii uu si adag uga hadlay xukunka Manchester City iyo koobabkii ay ku guuleysatay.
Scholes ayaa weli ku adkeysanaya in haddii Manchester City laga qaado koobabkii ay ku guuleysatay xilliyadii lagu helay xadgudubyada dhaqaale, ciyaartoydii ku dhammeystay kaalmaha labaad ay mudan yihiin in loo dhiibo billadaha horyaalka.
Scholes ayaa baraha bulshada ku qoray hadal uu ku muujinayo inuu doonayo billaddii horyaalka ee 2012, xilli Manchester United ay City kaga dhammaatay kaalinta labaad:- “Waxaan maqlayaa ciyaartoy hore oo leh koobabka ha laga qaado, laakiin ma doonayaan in billadaha loo dhiibo. Anigu sidaas ma qabo, waxaan ahay qof hunguri leh, billaddayda ayaan rabaa.”
Dhanka kale, Martin Keown ayaa qaba aragti ka duwan. Halyeeyga Arsenal wuxuu sheegay in haddii koobabka Manchester City laga qaado xilliyadii lagu helay xadgudubyada, xilliyadaas ay tahay in gebi ahaanba la baabi’iyo, halkii koox kale koobka loogu wareejin lahaa.
Arrintaas ayaa Scholes ka careysiisay, waxaana uu si toos ah ugu jawaabay Keown isagoo yiri: “You can do one with that ‘void season’ nonsense.”
Taasi waxay sii hurisay xifaaltankii hore ee labada halyeey, kuwaas oo xitaa markii ay ciyaaraha ka fariisteen marar badan isku dhaleeceeyay warbaahinta.
Dhanka Manchester City, weli ma jiro ciqaab rasmi ah oo Premier League-ku ku dhawaaqay, iyadoo kooxda ay waddo caqabadda/sharciga ay kaga hortageyso go’aanka lagu helay dambiyada dhaqaale.

