Douglas Luiz Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Suuqa January.

Douglas Luiz ayaa ogolaaday inuu dib ugu biiro Aston Villa amaah ahaan ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka, isagoo iska diiday xiisihii ay u muujiyeen Chelsea.

Ciyaaryahanka reer Brazil ee 27-jir ah ayaa hadda amaah ugu jooga Nottingham Forest, halkaas oo uu uga yimid Juventus, wuxuuna sameeyay 14 kulan oo keliya xilli-ciyaareedkan, kaddib markii uu waqti ka maqnaa dhaawac muruqa bowdada ah.

Standard Sport ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Chelsea ay ka fiirsanaysay inay la soo wareegto khadka dhexe ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu xirmayn 2-da February, iyadoo Luiz loo arkayay beddel ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay labada dhaawacan ee Romeo Lavia iyo Dario Essugo.

Si kasta ha ahaatee waxa ay u muuqataa in ay kooxda Aston Villa ku garaacayso saxiixa xiddiga kooxda Chelsea.

Kooxda Birmingham ayaa lagu qasbay inay suuqa khadka dhexe u gasho kaddib markii Youri Tielemans iyo John McGinn ay labaduba qaadeen dhaawacyo waqti dheer ah. Boubacar Kamara isaguna xilli-ciyaareedka oo dhan ayaa laga saaray, taasoo noqotay dharbaaxo kale oo ku dhacday kooxda Unai Emery.

Sida uu sheegay warbixin ka soo baxday The Telegraph, Luiz wuxuu si cad u muujiyay inuu doonayo inuu dib ugu biiro Aston Villa halkii uu Chelsea u wareegi lahaa, iyadoo heshiiska hadda uu sugayo oo keliya in si rasmi ah loo dhammeystiro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga