Donnarumma Oo Durba Ka Tagay Man City, Halkee Ayuu Ku Wajahanyahay.

Wakiilka Gianluigi Donnarumma ayaa sheegay in goolhayaha Manchester City uu aqbali karo inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo ee Talyaaniga, haddii fursad noocaas ah loo soo bandhigo.

“Maanta Manchester City, [Donnarumma] wuxuu ka helayaa deggenaansho kooxda iyo jawiga guud, wuxuuna aad u jecel yahay mashruuca,” ayuu yiri Enzo Raiola oo wareysi siiyay telefishinka Talyaaniga ee Rai.
“Wuxuu sidoo kale bilaabay inuu si fiican u fahmo horyaalka Ingiriiska. Maalin dhoweyd ayuu igu yiri isagoo kaftamaya in shan ama lix sano oo halkaas lagu ciyaaro ay tahay tacabur, balse kaftan uun bay ahayd…

“Si kastaba ha ahaatee, haddii ay jirto fursad dib loogu laaban karo Talyaaniga, waan ka faa’iideysan doonnaa.”

Donnarumma, oo 26 jir ah, ayaa markiiba noqday goolhayaha koowaad ee Manchester City markii uu yimid xagaagii hore, isagoo booska ka qaaday goolhayihii kasoo baxay akadeemiyada kooxda ee James Trafford, kaas oo dib ugu soo laabtay. Donnarumma wuxuu Manchester City kaga yimid Paris Saint-Germain, halkaas oo uu ku guuleystay Champions League-gii sannadkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga