
Martin Odegaard ayaa xaqiijiyay inuu ka soo kabanay dhaawicii garabka ee uu la kulmay bishii hore, isla markaana uu meesha ka saaray hadal-heyntii ahayd khilaaf u dhexeeya kooxdiisa Arsenal iyo xulka Norway.
Odegaard ayaa dhaawac garabka midig ah soo gaaray intii lagu jiray guushii 5-0 ee Arsenal ay ku gaartay garoonkeeda kulankii Premier League ee Leeds 23-kii Agoosto.
Xiddiga khadka dhexe ayaa si xoog leh dhulka ugu dhacay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana uu isku dayay inuu sii wato, balse ugu dambeyntii waxaa khasab ku noqotay in la beddelo ka hor intii aan la gaarin waqtiga nasashada.
Maalintii xigtay Odegaard waxaa lagu sameeyay baaritaan (scan), waxaana lagu qiimeeyay inuu u qalmo inuu kursiga keydka ku soo biiro kulankii Arsenal 1-0 kaga guuldarreysatay Liverpool garoonka Anfield toddobaad kaddib.
Xiddiga 26 jirka ah ayaa la geliyay ciyaarta 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, wuxuuna tan iyo markaas ku biiray xulka qaranka Norway isagoo waajibaad qaran ku jira.
Wuxuu ku soo bilowday kulankii saaxiibtinimo ee ay la yeesheen Finland Khamiistii, balse waxaa laga saaray qeybta labaad isagoo ka mid ahaa afar isbeddel oo tababarihii sameeyay waqtiga nasashada kadib.
Odegaard ayaa sharaxay inuu hadda ka soo kabtay dhibaatadii garabka, isla markaana waligiis aysan jirin khilaaf ku saabsan inuu u soo biiray waajibaadka qaranka, iyadoo Norway ay Salaasada habeenkii ku martigelin doonto Moldova ciyaar isreeb-reebka Koobka Adduunka ka tirsan oo ka dhici doonta Oslo.
“Waa uu xanuunayay aad, laakiin hadda waan xakameeyay waana dareemayaa inaan diyaar ahay,” ayuu yiri Odegaard.
“Ma jiro wax khilaaf ah oo aniga dartay u dhexmaray xulka qaranka Norway iyo kooxda Arsenal”ayuu sii raaciyey.
Be the first to comment