Dimitar Berbatov Oo Magacaabay Koox Ka Yaabin Karta Arsenal Tartanka Premier League.

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Dimitar Berbatov, ayaa magacaabay kooxda laga yaabo inay “ka yaabsato” Arsenal tartanka hanashada Premier League.

Gunners waxay haatan lix dhibcood ku hoggaaminayaan jadwalka, iyadoo Chelsea ku jirto kaalinta labaad, kadib markii ay 4-1 ku burburiyeen Tottenham Axaddii.

Ragga Mikel Arteta waxay fursad u leeyihiin inay farqiga ku kordhiyaan sagaal dhibcood marka ay usbuucan booqdaan Blues.

Berbatov waxa uu sheegay in si fiican loo tijaabin doono Arsenal wakhtiga mashquulka ah ee xilli ciyaareedkan.

“Dabcan Liverpool hoos ayay u dhacday Man City-na dhibco ayay luminaysaa, laakiin waxaa jira kooxo kale sida Chelsea oo dadka yaabin kara,” ayuu Berbatov u sheegay ESPN.

“Lix dhibcood waa farqi wanaagsan, laakiin Premier League-ga waxba ma aha, waana la soo yarayn karaa si deg-deg ah”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga